Soomaaliya, gurigu maaha meel lagu seexdo oo kaliya; waa xarun bulsho. Laakiin caqabadda ugu weyn ee haysata macaamiisha leh guryaha qaaliga ah waa tan: Sida loo daryeelo martida iyadoon la dhibin nolosha gaarka ah ee qoyska.
Inta badan naqshadaha caadiga ah waxay isku dhex radaan socodka martida iyo kan qoyska (Cross-circulation), taas oo keenta in qoysku ay ku dhex "xidhnaadaan" qolalkooda marka marti joogto. Naqshadda saxda ahi waa inay u shaqaysaa sidii garoon diyaaradeed oo leh laba marin oo kala madax bannaan.
"Privacy maaha gidaar dhumuc weyn; waa injineernimada dhaqdhaqaaqa (Circulation Engineering)."
Hadafku waa in la abuuro "The Dual-Circuit Home" nidaam martidu u dareemayso soo dhowayn heer sare ah, halka qoyskuna ay ku dhex nool yihiin xorriyad buuxda.
Mabaadi'da "Social Zoning": Kala-goynta Socodka (Circulation)
Dhibaatada: Guryo badan, si qofka martida ahi u galo musqusha ama meesha cuntada, wuxuu maraa kordhar ay qolalka carruurtu furan yihiin ,Tani waa fashil naqshadeed.
Xalka Architect-ka: Waxaan u baahanahay inaan dhismaha u qaybino laba "Zone" oo aan is-taaban:
The Public Zone (Majlis & Guest Pavilion): Waa inuu lahaadaa irid u gaar ah iyo marin toos ah oo ka yimaada bannaanka.
The Private Sanctuary (Family Zone): Waa qaybta qoyska oo leh marin u go'an oo aan laga arki karin meesha martida.
Xilliga "Aha!" moment-ka ee macmiilkaaga waa marka uu ogaado in "Visual Privacy" ay ka muhiimsan tahay masaafada.
Haddii aad si sax ah u dhigto xaglaha albaabada (Aperture strategy), waxaad abuuri kartaa dareen xorriyad ah adigoo dhismihii uu yahay mid cidhiidhi ah.
3-Step Strategy ee "Elite Majlis Design"
1. The Independent Entry System (Munaaradaha Madax-bannaan)
Naqshadaynta laba albaab oo waaweyn (The Grand Guest Entrance vs. The Family Portal).
Farsamada: Albaabka martida wuxuu u horseedaa Majlis ka si toos ah, isagoo leh "Vestibule" ama meel lagu negaado oo u dhaxaysa guriga intiisa kale.
Outcome: Martidaadu marnaba ma arki doonaan dhaqdhaqaaqa gudaha guriga, qoyskuna uma baahna inay "is qariyaan."
2. The Buffer Service Node (Goobta Adeegga)
Tani waa halka ay ku kulmaan jikada iyo Majlis-ka, laakiin si qarsoon.
Farsamada: Waxaan naqshadaynaa "Pantry" ama meel cuntada laga soo dhiibo (Service hatch) oo u dhaxaysa jikada iyo qolka cuntada martida.
Big Idea: Adeeggu waa inuu noqdaa mid "Invisible" ah. Martidu waa inay arkaan cuntada, laakiin maaha inay arkaan jikada iyo buuqeeda.
3. Acoustic Separation (Kala-goynta Dhawaaqa)
Xitaa haddii aysan martidu ku arkin, ma habboona inay maqlaan carruurta ciyaaraysa ama hadalka qoyska.
Farsamada: Isticmaalka gidaarada "Double skin" ee u dhexeeya Majlis-ka iyo qaybta fadhiga qoyska, ama dhex dhigista meelo bannaan (Courtyards) oo u shaqeeya sidii "Sound Buffer."
Outcome: Xasilooni labada dhinac ah.
"Naqshadda wanaagsani waxay martida dareensiisaa inay joogaan meel sharaf leh, qoyskana waxay siisaa xasilooni ay gurigooda ku lahaadaan."
Comments
Post a Comment