Macaamiisha badan ee Muqdisho waxay u haystaan in qaboojiyaha (AC) uu yahay xalka kaliya ee kuleylka. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay: AC-gu waa daawo lagu dabiibayo dhisme "bukaan" ah. Haddii dhismaha si sax ah loo farsameeyo, dhismuhu wuxuu noqonayaa mashiin qaboojiye ah oo iskiis u shaqeeya.
Architect ahaan, waxaan isticmaalnaa waxa loogu yeedho "Passive Design Strategies." Tani maaha tignoolajiyad qaali ah, waa farsamaynta physics-ka dhismaha si looga faa'iidaysto dabaysha iyo hadidda qorraxda.
"Dhismaha wanaagsani ma la dagaallamo deegaanka; wuxuu u isticmaalaa cimilada inay u adeegto raaxada qofka."
Mabaadi'da "Thermal Mass" iyo Neefsashada Dhismaha
Dhibaatada: Guryaha muraayadda badan ama gidaarka khafiifka ah leh waxay kuleylka u soo gudbiyaan gudaha si degdeg ah. Marka la gaadho 2:00 duhurnimo, gurigu wuxuu noqdaa foorno.
Xalka Architect-ka: Waxaan isticmaalnaa Thermal Mass. Tani waa awoodda uu agabka dhismuhu (sida dhagaxa ama blocks-ka cufan) u leeyahay inuu kaydiyo qaboowga habeenkii, ka dibna uu tartiib-tartiib u soo daayo maalintii marka bannaanku kulul yahay.
Xilliga "Aha!" moment-ka ee macmiilkaaga waa marka uu dareemo in gidaarku qaboow yahay duhurka cad, isagoon hal xadhig oo koronto ah ku xidhnayn.
3-Step Strategy: Sida loo farsameeyo "Passive Cooling."
1. Stack Ventilation (Munaaradda Hawada)
Maadaama hawada kulul ay kor u kacdo, waxaan naqshadaynaa meelo dhaadheer oo furan (Vertical shafts) oo kulaylka guriga ka saara saqafka sare.
Farsamada: Isticmaalka jaranjarada ama "voids" inay u shaqeeyaan sidii meel ay hawada kulul uga baxdo (Thermal Siphon).
Outcome: Hawada gurigu mar walba way cusub tahay, waxaana hoos u dhaca baahida AC-ga 40-50%.
2. The High-Albedo Envelope (Gaashaanka Iftiinka)
Sida aan hore u soo sheegnay, "Albedo" waa awoodda uu dhismuhu iftiinka qorraxda dib ugu celiyo.
Farsamada: Isticmaalka agabka dusha sare ee cad ama midabada iftiinka leh ee ka samaysan maaddooyin aan kuleylka nuugin.
Outcome: Dhismahu ma kululaanayo dusha sare, taas oo ka dhigaysa in kuleylka gudaha u soo gudba uu yaraado.
3. Orientation & Wind Catching
Soomaaliya, dabayshu waxay u badan tahay jihada badweynta (Indian Ocean).
Farsamada: Furitaanka daaqadaha waa in loo naqshadeeyaa si ay u qabtaan dabaysha (Cross-ventilation), iyadoo la adeegsanayo "Wing Walls" si dabaysha loogu soo leexiyo qolalka.
Big Idea: Dabayl socotaa waxay ka fiican tahay AC taagan.
"Sustainability maaha "solar panels" oo saqafka lagu dhejiyo; waa dhismihii oo laga dhigo mid aan u baahnayn koronto badan markii horeba."
Comments
Post a Comment